1290 Views

Gabar Faransiiska oo ardayad ah oo qirtay inay been sheegtay oo ay faafisay sheegashooyin been abuur.

Gabar Faransiiska oo ardayad ah oo qirtay inay been sheegtay oo ay faafisay sheegashooyin been abuur.
____________________________________________________________________________

Gabar u dhalatay dalka Faransiiska oo ardayad ah ayaa qirtay inay been sheegtay oo ay faafisay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan macalin la dilay sanadkii hore.

Samuel Paty ayaa madaxa laga jaray bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay ka dib markii uu ardayda tusiyay sawir gacmeedyo lagu aflagaadeynayay Nabi Muxamed NNKH.

Gabadhaan oo cabashadeedu baraha internetka ka abuurtay olole ka dhan ah Paty, ayaa hadda qirtay inaysan ku jirin xiligaas fasalka.

Mr Paty ayaa dilkiisu gudaha Faransiiska ka abuuray caro xooggan iyadoo loo sameyay xaflado baroordiiq ah,waxaana dilkiisa ka xumaaday dad badan oo u badnaa bahda waxbarashada.

Gabadhan oo 13 jir ah oo aan magaceeda la sheegin ayaa markii hore aabbaheed u sheegtay in Paty uu ka codsaday ardayda Muslimiinta ah inay ka baxaan fasalka markaa oo uu tusinayay araday kale sawir gacmeedyo loogu gafayo Nabi Muxamed NNKH.

“Waxay been u sheegtay sababtoo ah waxey dareentay xannibaad markaas oo saaxiibbadeeda ay isku fasalka ahayen ay ka codsadeen in ay afhayen u noqoto” ayuu yiri qareenkeeda oo lagu magacaabo Mbeko Tabula,oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

Ninkii gaystay dilka macalinka oo lagu magacaabi jiray Abdullakh Anzorov oo 18 jir ahaa ayay boolisku toogasho ku dileen waxyar uun kadib markii weerarku ka dhacay .

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa goor dambe qoyska macalinkii la dilay maamusay .

Ninkii dilka gaystay iyo Laba arday

Labo ardey ah oo ku sugan Faransiiska ayaa lacag la siiyay si ninkii weerarka geystay ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalin Samuel Paty, kaas oo markii dambe la gowracay kaddib markii ardeydiisa uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH, sida ay sheegayaan dacwad oogayaasha.

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen in Abdullakh Anzorov uu labada ardey siiyay 355 doolar si ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalinka ka hor inta uusan weerarka qaadin.

Ninkii dilka geystay wuxuu ardeyda ka dhaadhiciyay “In uu doonayay in uu muuqaal ka duubo macalinka si uu raalli gelin uga bixiyo sawir gacmeedka laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH ee uu ardeyda tusay” sida uu sheegay dacwad oogaha qaabilsan dambiyada la xiriira argagixisada Jean-François Ricard.

Wuxuu intaas ku daray in labada ardey ee lagu tuhmayay in ninka ay tuseen macalin Paty isla markaana uu in ka badan laba saacadood kula qaatay xiligaas afaafka hore ee iskuulka ilaa inta uu kasoo baxayay macalinku.

Olole naceyb ah oo ka socday Online-ka

Dacwad oogaha wuxuu sheegay wakhtigaas inay jireen olole ku saleysan naceyb oo ka socday baraha bulshada kaas oo ka dhan ahaa Mr Paty.Waxaana ololahas lagu eedeeyay inuu garwadeen ka ahaa aabaha dhalay mid kamid ahaa ardeyda uu wax u dhigayay macalinku.

Aabaha dhalay ardayga lagu eedeeyay inuu online-ka ka bilaabay olole ka dhan ah Samuel Paty, macallinkii Faransiiska ahaa ee madaxa laga jaray, ayaa farriimo u diray ninka macallinkaas dilay ka hor inta uusan weerrarku dhicin.Waxaa dacwad lagu soo oogay isaga iyo nin sheekh ah oo ay warbaahinta Faransiiska ku tilmaameen Islaami xagjir ah, oo ku baaqay in Paty la ciqaabo, xilli uu soo saaray “fatwo”.

Sawir gacmeedyada laga faafiyay Nabi Muxamed NNKH waxaa aad uga xumaaday Muslimiinta caalamka waxaana xiligaas dhacay dibaxyo lagu cambaareynayo arrintaas.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post