1005 Views

Militeriga Mozambique oo guulo ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab

Militeriga Mozambique  oo guulo ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

 

4 April: Hol:  5/4/2021

Militariga dalka Mozambique ayaa sheegay in ay dileen tiro badan oo ka mid ah koox muslimiin mintid ah, kaddib duullaan ay ciidanka ku qaadeen magaalada Palma ee waqooyi bari Mozambique oo ay dhamaadki bishii hore qabsadeen kooxaha fallaagada.

Kaddib weerar uu dhiig badani ku daatay oo ay 24-ki bishi Marso kooxaha mintidiinka ku qaadeen magaalada Palma ee gobolka Cabo Delgado, hadda ciidamada dowladda Mozambique ayaa sheegay in ay laayeen tiro xoog leh oo ka mid ah kooxahaasi.

Chongo Vidigal oo ah abaanduulaha ciidanka howlgalka ka wada Palma ayaa wariyaasha u sheegay, in dagaalka uusan wali dhammaan, balse ay dileen tiro badan oo ka mid ah kooxaha argagixisada.

11 maalin ka hor, kooxo hubeysan ayaa weerar u muuqday in si taxaddar leh loo soo qorsheeyay ku qaaday magaalo xeebeedkan istaraatiijiga ah.

Weerarka ayay la beegsadeen meel dhowr kilomitir u jirto ceelasha gaaska dabiiciga ah oo ah mashruuc ku kacaya balaayiin dollar oo ay waddo shirkadda laga leeyahay Faransiiska ee Total.

Muuqaalki ugu horreeyay ee laga soo duubay magaaladani oo ay ku noolyihiin 75,000 oo qof, ayaa laga arkay meydad dhulka daadsan, guryo burburay iyo baabuur la gubay.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish, Waxaa ku dhintay tobnaan qof oo rayid ah, boolis iyo millatari. Wali lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee guud ahaan dadka ay dileen kooxdani.

Shirkadda French Group Total waxay goobta kala baxday howlwadeennadi ka shaqeynayay gacanka Afungi oo ah goobta ay ka qodeysay gaaska. Mashruucaasi ayaa hadda u muuqda mid gabi ka laad-laada.

Maalmihi lasoo dhaafay ciidanka qalabka sida ayaa isku dayay in ay dib u qabsadaan magaalada Palma. Dagaalka ayaa u muuqda inuu wali socdo. Kumannaan ka mid ah millatariga ayaa goobta la geeyay.

Laakin tan iyo weerarki sannadki 2017-ki, ciidanka dowladda ayaa awoodi la in ay si muuqata u maquuniyaan kooxaha mintidka ah ee argagixinaya dadka ku nool gobolka Cabo Delgado ee ku yaalla xadka Tanzania.

Kooxda fallaagada ah oo goobaha ay ka dagaallamaan looga yaqaano Al-Shabab oo micnaheedu yahay dhalinyaro marka laga soo tarjumo luqadda Carabiga, ayaa sheegtay in ay galeen heshiis ay qeyb uga noqdeen kooxda Daacish.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 11,000 oo qof ay ku barakaceen weeraradi ugu danbeeyay. Horay waxaa aaggaasi uga cararay 670 kun oo qof, sababo la xairiira colaadda.

VOA

OfFice Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post