1131 Views

Madaxweynaha Somaliland oo War kasoo saaray doorashada Beri dhaceysa

Madaxweynaha Somaliland oo War kasoo saaray doorashada Beri dhaceysa
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland u diray farriin la xiriirta doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, waxana uu ugu baaqay inay bulshadu si nabad ah u codayso, isaga oo  guul taariikhi ah ku tilmaamay in si nabadgelyo ah lagaga soo gudbay ololihii doorashada.

Ugu horrayn madaxweynaha waxa uu u mahadnaqay Shacabka Somaliland iyo hay’adaha kala duwan ee Maamulka oo ay saddexda xisbi qaran kamid yihiin ugaga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay qaybta uga ahaayeen hirgelinta doorashadan, isaga oo xildhibaannada golaha wakiillada ee xilku kasii dhammaanayona ku ammaanay kaalinta ay ku lahaayeen doorashada iyo shaqadii adkayd ee ay qarankooda u qabteen muddadii ay kuraasida ku fadhiyeen.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si waafi ah u sharraxay ujeeddada laga rabo doorashooyinka maalinta berri ah qorshaysan iyo waxa laga doonayo inay inoo keenaan, waxana uu yiri, “Doorashada waxaynu ka doonaynaa in Somaliland taladeedu mid noqoto oo gobol kasta iyo cid kasta oo deggen iyo qof kasta oo Somaliland ah ka u bariyeeya iyo ka u galbeedeeya waxanu doonaynaa inay talo midaysan, iyo ujeeddo midaysan oo qaran iyo horumar midaysan iyo wax wada qabsi midaysan yeeshaan, waxana ay ku yeelanayaan in Dawlaha Hoose ee magaalo maamulaya dadku wada doorto oo haddii ay wax qalloociyaan la wada qaban karo”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray,“Waxa kale oo soo kordhaya talo-wadaag, waayo golihii wakiilladu markuu hadlayo wuxuu ka hadlayaa baahida taalla halka ugu Bariyeysa, halka ugu Galbeedaysa, halka ugu koonfuraysa iyo halka ugu waqooyigyeysa.”

Dhallinyarada , ayuu madaxweynaha Soomaliland  u diray farriin la xiriirta maalinta doorashada iyo waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada, “Dhallinyarada Somaliland waxan leeyahay sidii quruxda badnayd ee aad Ololaha u gasheen, uga hawlgala doorashada, waayeelkiinna caawiya, ka buka caawiya, askarta la shaqeeya oo muujiya qarannimadii aad muujiseen,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post