129 Views

Xuseen Macallin: “Caalamka waxa uu qiray in Dowladda Soomaaliya ay gaartay awoodda Maaraynta Hubka”.

Xuseen Macallin: “Caalamka waxa uu qiray in Dowladda Soomaaliya ay gaartay awoodda Maaraynta Hubka”.
____________________________________________________________________________

Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin oo ka hadlay Su’aalaha ku gedaaman awoodda Dowladda Federaalka ay ku xakamayn karto hubka soogalaya Soomaaliya mar haddii laga qaaday cunaqabatayntii hubka ayaa sheegay in Dowladdu ay kasoo gudubtay shuruudihii hubinta si loo ogaado awoodda ay u leedahay arrintaan.

Xuseen Macallin ayaa tilmaamay in September 2023 si buuxda Soomaaliya loogu sheegay in ay kasoo baxday shuruudaha habraacyada hannaanka xakamaynta hubka sidaas awgeed Dowladda Federaalka lagu aamini karo qorshahaas in ay fuliso isla markaana ay xigtay in cunaqabatayntii saarnayd laga qaaday.

owladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in awooddeeda isugu gaynayso sidii ay u dhaqangelin lahayd shuruucda lagu maamulo hubka si looga hortago in Dalka uu soo galo hub gaar ahaan kuwa waaweyn ee xayirnaa oo aanay si fudud qof weliba usoo iibsan Karin waa sida uu hadalka u dhigay Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin.

“Caalamka waxa uu qiray in Dowladda Soomaaliya ay gaartay awoodda Maaraynta Hubka, Hubkaas waaweyn ee naga xayirnaa ma ahan hub qof weliba uu isticmaali karo waayo isaga ayaa u baahan tababar, haddii aan tusaale usoo qaato Taangi qof weliba ma wadi karo, ma haysan karo mana hagi karo oo soo iibsashadiisu wax sahlan ma ahan oo waa wax marka ay ugu yar tahay Dowlad soo iibsan karto” Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla oo aqrinta 1aad maray sharciga ama xeerka “Xakamaynta Hubka” oo muhiimad gaar ah u leh hab maamulka awood ee maamulka hubka dalka soo galaya iyo in la xadeeyo hubkaas si aanay dhibaato horleh Dalka gelin.

__________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post