1029 Views

Mahdi Guuleed oo hay’adaha Amniga faray baaritaanka weerarkii liido

Mahdi Guuleed oo hay’adaha Amniga faray baaritaanka weerarkii liido
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya laamaha kala duwan ee amniga dalka.

Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii shalay Muqdisho ka dhacay ee lagu qaaday Hotelka Elite.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa markasta ku cel celisa inay ku dadaaladayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo xasilooni waarta ayaa hadana waxaa ka dhaca weeraro lagu qaado xarumo dowladood oo amnigooda siwyen loo ilaaliyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post