309 Views

Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka Messi oo kordhiyay qandaraaska uu kula joogo kooxda PSG

Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka  Messi oo kordhiyay qandaraaska uu kula joogo kooxda PSG
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 22, 2022

Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka ee Lionel Messi ayaa heshiis la gaaray Paris St Germain, si uu kooxda ula sii joogo ugu yaraan xilli ciyaareedka 2023-24, sida ay qortay jariidada Faransiiska ee Le Parisien Arbacadii.

35 jirkaan weerarka ka ciyaara oo toddoba jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, ayaa Argentina ka caawiyay inay qaadaan Koobka Adduunka, iyagoo rigoorayaal ku garaacay France ciyaartii kama-dambeysta aheyd Axaddii.

“Horraantii December, bartamaha Koobka Adduunka, waxaa la gaaray heshiis (Messi) inuu sii joogo ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo dheeri ah,” ayuu yiri wargeyska Le Parisien.

PSG dhinaceeda wax faah-faahin ah kama bixin warkan.

Guddoomiyaha Paris St Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay bishan in Messi uu ku faraxsan yahay kooxda heysata horyaalka Ligue 1, isagoo intaa ku daray in wadahadallada qandaraas kordhinta la sameyn doono kadib Koobka Adduunka.

Messi oo 12 gool iyo 14 caawin u sameeyay kooxdiisa PSG tartamada oo dhan xili ciyaareedkan ayaa caasimadda France uga soo dhaqaaqay Barcelona sanadkii 2021, isagoo u saxiixay heshiis labo sano ah.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post