858 Views

Wasiirada Dowlada Jubaland oo ansixiyay miisaaniyada sanadka oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyada.

Wasiirada Dowlada Jubaland oo ansixiyay  miisaaniyada sanadka oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyada.
____________________________________________________________________________

Arbaco October 20, 2021

Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlada Jubaland oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayay golahu dood dheer ka yeesheen miisaaniyada sanadka oo ay soo gudbisay Wasaarada maaliyada.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed, ayaa golaha la wadaagay hormarka dhinaca wax soo saarka iyo dib u dhiska dhinaca dhaqaalaha ah kaas oo wax badan ka badali doona xaalada deegaanka sanadaha soo socda.

Wasiirku wuxuu sheegay in kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Jubaland uu sanadka soo socda ee 2022 uu gaari doono 60% taas oo kamid ah yoolasha ay wasaaradu hiigsanayso.

Miisaaniyada sanadka 2021-2022 ayaa gaaraysa 40,301,997.05 taas oo ka kala imanaaysa dhinacyo kala duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post