465 Views

Awaamiir laga soo saaray Amniga Magaalada Garoowe

Awaamiir laga soo saaray Amniga Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal ee Puntland ayaa shir guddoomiyay Shirka Amniga Gobolka Nugaal, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe, isaga oo faray sarakiisha amniga Garoowe xoojinta shaqada amniga.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Taliye ku xigeenka cusub ee qaybta gobolka Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) iyo taliyaasha Saldhigyada iyo Kantaroola.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa shaqada socota ka dhagaysgay taliyaasha Saldhigyada iyo Kantaroolada Garoowe wuxuu sidoo kale warbixin ka dhagaystay Taliyaha howl galinta booliska gobolka Nugaal G/le Maxamed Nuur.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Sarakiisha faray in dagaalka lagu la jiro Mandooriyaha, tuugada dadka dhacda iyo Al-Shabaab iyo Daacish la laba Jibaaro shaqo adagna la qabto.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa sido kale sarakiisha faray in Taliye ku xigeenka cusub inay la shaqeyaan shaqadii socotay ee amniga la sii xoojiyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post