981 Views

Madaafiic goor dhawayd lagu garaacay Xerada Xalane iyo Qasaare ka dhashay

Madaafiic goor dhawayd lagu garaacay Xerada Xalane iyo Qasaare ka dhashay
____________________________________________________________________________

.

Waxa goor dhawayd Weerar Madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ilaa qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray dhamaan aagii wax ku dhaceen, waxaana la sheegay in taasi ay muujinayso in qasaare uu ka jiro halkaas.

Sidoo kale Xerada Xalane ayaa la filayay in maamlamaha soo socda ay marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post