156 Views

Saraakiisha caafimaadka Pakistan oo sheegay in Daadadka ku dhuftay Pakistan ay cuduro ka dhasheen

Saraakiisha caafimaadka Pakistan  oo sheegay in Daadadka ku dhuftay Pakistan ay cuduro ka dhasheen
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Saraakiisha caafimaadka Pakistan, ayaa ka digaya xaalad caafimaad darro oo ku soo fool leh dalkaasi, kadib markii ay waxyeelo gaarsiiyeen daadad dhowaan soo rogmaday.

Soddon iyo saddex milyan oo qof, ayay saamaysay fatahaadda, oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​1,500 oo qof, tan iyo bartamihii bishii June.

Iyadoo ay weli socdaan dadaallada samata bixinta iyo daadgureynta qeybo ka mid ah dalka, ayaa khubarada caafimaadka waxa ay soo sheegayaan inay sare u kacday cudurrada laga qaado sida duumada, iyo cudurrada caloosha oo aad u xun.

Dad badan oo barakacayaal ah, ayaa ku nool agagaarka meelaha ay biyuhu fariistaan.

Qandhada cudurka laga qaado kaneecdaa ee Dengue, ayaa durba galaaftay nolosha dadka, iyadoo kiisaskuna ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post