1572 Views

Francisco Madeira Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Iyo Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Francisco Madeira Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Iyo Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 02, 2019 –Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ee Khamiistii ka dhacay caasimadda Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen  dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Francisco Madeira, oo ah Madaxa Howlgalka AMISOM iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama iyo goobaha kale ee ganacsiga uu yahay mid aan looga xumaado.

“Ujeedkooda ugu muhiisam waa iney hoos u dhigaan horumarka ay gaareen Dowladda Federaalka,dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,saaxiibadooda ku howlan horumarinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayuu Madeira ku yiri war qoraal ah uu soo saaray.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa muujiyay  taageerada uu u hayo xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada soo gaartay.isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay in si dhaqsi ah u soo bogsadaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment