309 Views

Dowladaha Turkiga & Jabuuti oo gurmad Caafimaad Maanta soo gaarsiinaya Muqdisho

Dowladaha Turkiga & Jabuuti oo gurmad Caafimaad Maanta soo gaarsiinaya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah Magaalada Muqdisho ay gurmadyo Caafimaad oo kala duwan soo gaarsiiyaan dowladaha Jabuuti iyo Turkiga oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in shalay qorshuhu ahaa in dowladda Turkiga ay Muqdisho u soo dirto diyaarad qaadi laheyd Afar qof oo qaba dhaawac culus,  balse ay u baaqatay Hawada Itoobiya oo xumaatay, hayeeshee Maanta ay imaaneyso diyaaradaas, isla markaana ay qaadi doonto Afar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Soobe.

Dhinaca kale waxaa  xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti lagu qabtey kulan la xiriira sidii kaalmo caafimaad iyo gurmad loogu fidin lahaa dadka ku dhaawacmey weerarkii isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in maanta oo Arbaca ah gargaar loo diro Soomaaliya, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, iyaga oo ka jawaabaya codsigii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post