1170 Views

Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose

Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 09, 2019 –Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka Araare ee Gobolkaas ay ka dhacday duqeyn dhinaca cirka ah.

Duqeynta ayaa dhacday  xalay fiidkii,waxaana la sheegay in diyaarado loo maleynayo inay yihiin kuwa Mareykanka ay duqeyn u geysteen Saldhigyo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay Jubbaland ayaa sheegay in duqeyntaas lala eegtay Xubno ka tirsan Shabaab oo isku aruursanayay Aaga deegaanka Araare,isla markaana khasaaro lagu gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa iyana ku waramaya inay maqleen jugta culus ee duqeynta,isla markaana ay cabsi soo wajahday walow weli aan la shaacin khasaaro kasoo gaaray duqeyntaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment