747 Views

Maamulka DDS oo qaaday tallaabo ka dhan ah Ganacsatada

Maamulka DDS oo qaaday tallaabo ka dhan ah Ganacsatada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 08  2020–DowLad Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray sare u kac dhanka waxyaabaha quutul daruuriga ah taasi oo dadka deegaankuna ay cabasho ka muujiyeen .

Xafiiska ganacsiga deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu qaaday tallaabbooyin uu wax kaga qabanayo sicirka maciishadda isla markaana ganacsato iyo meheredo qayb ka ahaa sicir bararkaasi tallaabbooyin laga qaaday.

ku-xigeenka madaxa xafiiska ganacsiga Dolwada degaanka Soomaalida, Axmed Buubaal ayaa sheegay in sicir bararkaan uu yimid Cudurka Coronavirus oo wadamo badan oo Caalamka ah kala xiray.

Waxaa uu sheegay in Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ay qaadeen tallaabooyin ay Ganacsatada ugu sheegeen in xilligaan aan la joogin waqtigii dhaqaalaha laga raadin jiray duruufaha dadka,sidaasina ay keentay in uu sicir bararka dhamaado.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post