1614 Views

Wasaaradda arrimaha dibedda Iran oo xaqiijisay in ay wadahadallo la leedahay Sacuudi Carabiya

Wasaaradda arrimaha dibedda Iran oo  xaqiijisay in ay wadahadallo la leedahay Sacuudi Carabiya
____________________________________________________________________________

May 10- 2021

Wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa markii ugu horreysay Isniinta maanta ah xaqiijisay in jamhuuriyadda Islaamiga ah ay wadahadallo la leedahay dalka ay gobolka ku loollamaan ee Sacuudi Carabiya, laakiin waxa ay sheegtay in “ay goor hore tahay” in laga hadlo natiijooyinka kulamada.

Warbixinnada warbaahinta, oo markii dambe ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed iyo kuwa ka tirsan dowladda Ciraaq, ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha Iran iyo Sucuudiga ay bishii April ku kulmeen magaalada Baghdad, kaasi oo ahaa kulankoodii ugu horreeyay ee heer sare ah tan iyo 2016-kii oo ay Riyadh ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Tehran.

“Ujeedada wadahadaladu waxa ay ahaayeen kuwa laba geesood ah iyo kuwa goboleed. Laakiin aan sugno oo aan aragno natiijooyinka wadahadaladan,” ayuu wariyeyaasha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Saeed Khatibzadeh.

Xiriirka dalalkan deriska ah ayaa go’ay sanadkii 2016-kii markii banaanbaxayaal reer Iiraan ay weerareen xafiisyada diblomaasiyadeed ee Sacuudiga ka dib dilkii boqortooyada ay ku fulisay wadaad ay aad shiicadu u qaddariso.

Labadan dal ayaa kala taageeraya dhinacyada iskaga soo horjeeda dhowr dagaal oo ka socda gobolka, laga soo bilaabo Syria ilaa Yemen, halkaas oo xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga ay kula dagaalamayaan fallaagada Xuutiyiinta.

Iran ayaa taageerta Xuutiyiinta oo tan iyo 2015-kii dagaal kula jira isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post