729 Views

Wasiirka Amniga iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka qeyb galay shir Ammniga.

Wasiirka Amniga iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka qeyb galay shir Ammniga.
____________________________________________________________________________


Talaado: November 16, 2021

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulllaahi Maxamed Nuur iyo ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga fulinta ee barnaamijka wadajirka ah ee Booliiska.

Kulankaas waxa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha Amniga heer federaal iyo heer dowlad goboleed,saraakiil Booliis iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Kulanka ayaa waxaa diirrada lagu saaray xaaladda amni ee dalka gaar ahaan horumarinta ciidanka booliiska federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka,waxaana lagu lafa-guray daboolidda baahiyaha hortebinta leh sida: Tababarrada iyo qalabeynta ciidamada, dhismaha iyo dayactirka saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xoojinta awood dhisidda ciidamada booliska labada heer.

kulanka oo ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta iyo horumarinta amniga caasimadda, waxaana intii uu socday kulanka leysku afgartay meelmarinta dhammaan dalabka iyo baahiyaha la soo gudbiyay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post