1074 Views

RW Kheyre”Ma aqbaleyno Ciidamo ka wada tirsan Dowladda & Ahlusunna

RW Kheyre”Ma aqbaleyno Ciidamo ka wada tirsan Dowladda & Ahlusunna
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 04, 2019 —Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay muhiimad gaar ah siineyso hagaajinta xaquuqda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,isla markaana Ciidamada dhankooda laga doonayo inay waajibkooda gutaan.

 

Isaga oo la hadlayay Saraakiil uu tababar ugu soo xiray dhuusamareeb ayuu sheegay in Ciidamadaan ay horay uga tirsanaayeen Ahlusunna balse dowladda la soo wareegtay,waxaana uu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn Ciidamo ka wada tirsan Dowladda & Ahlusunna.

 

“Dowladda waxaa waajib ku ah inaad ka heshaan xaquuqdiina,saraakiisah ciidamada xoogga dalka ee deegaannada Galmudug waxaa ay ku amran yihiin inay ciidamada faraan waajibkooda,idinku waxaad kasoo wareegteen Ahlusunna,laakin laga bilaabo saacadan waa la idinla xisaabtamayaa mana aqbaleyno inay ka wada tirsanaantaan meeshaad ka tirsanaan jirteen iyo dowladda Federaalka ayuu yiri RW Kheyre”

 

Dhismaha Ciidamada xoogga dalka ayuu sheegay inaan loo mari Karin qabiil iyo jabhad,isla markaana taasi laga soo quustay Saoddonkii sano ee la soo dhaafay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment