1293 Views

Kulamadii ka socday Garbahaarey oo heshiis hor u dhac ah laga gaaray

Kulamadii ka socday Garbahaarey oo heshiis hor u dhac ah laga gaaray
____________________________________________________________________________


February 15, 2021

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in kulamadii ka socday degmada Garbahaarey ay soo dhammaadeen, kadib markii kulan ay yeesheen guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, iyadoona heshiis hor udhac ah ay ka gaareen muranka ka taagan gobolka Gedo.

Kulamada ayaa la sheegayaa in la isku afgartay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socdo Maamul Gobaleeyada Dalka ay tagaan degmada Garbahaarey, marka uu soo dhammaado shirka la filayo inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sida ay ilo wareedyo u sheegeen KNN


Wararka qaar ayaa sheegaya in guddiga marka ay tagaan Garbahaarey ay kulamo la qaadan doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan, maadaama dadka deegaanka laga sugayo in ay soo gudbiyaan qofka loo magacaabi lahaa guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo


Wafdiga shalay tagay degmada Garbahaarey ayaa lagu wadaa in ay sii joogi doonaan degmadaasi, islamarkaana ay sugi doonaan wafdi xaqiiqo raadin ah ee ka socda maamul goboleedyda, kuwaasi oo xal ka gaari doono muranka ka taagan arrinta gobolka Gedo.

Shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Dhuusamareeb ayaa fashil ku soo idlaaday, kadib markii Dowladda Federaalka ah ay iska diiday in Jubbaland ay Maamul u magacowdo degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post