882 Views

Duleedkeeda Guriceel oo galabta gabaldhicii lagu arkay Meydka nin dhalinyaro ah oo xiran direyska Ciidanka

Duleedkeeda Guriceel oo   galabta gabaldhicii lagu arkay Meydka nin dhalinyaro ah oo xiran direyska Ciidanka
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 13, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in  galabta gabaldhicii lagu arkay Duleedka mjagaaladaas Meydka nin dhalinyaro ah oo xiran direyska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in maydka ninkaan askariga ah oo watay dareeska Ciidamada la soo dhigay  halka lagu magacaabo Laanle oo duleedka ka ah Guriceel.

Sida ay sheegeen dadka Degaanka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ninkan ay tuhmayaan in laga soo qaaday gudaha magaalada, laguna dilay goob kale la soo dhigay halkaas gabal-dhicii maanta.

Sidoo kale Meydka askarigan ayaan illaa hadda la aqoonsan, waxaana jirkiisa ka muuqdo dhaawacyo rasaaseed oo dilkiisa loo adeegsaday, waxaana gacanta ku haya Xiligan magaalada Guriceel Maleeshiyaadka Ahlusunna. about:blank

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post