1329 Views

Ciidanka Ahlusunna oo si buuxda ula wareegay Garoonka Dhuusamareeb

Ciidanka Ahlusunna oo si buuxda ula wareegay Garoonka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 27, 2019 —Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ahlusunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

 

Ciidankaan ayaa meesha ka saaray Ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan la geeyay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo isugu jira Boolis iyo Milatari kala socday Ciidanka Sunna iyo kuwa dowladda.

 

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Ahlusunna ay diideen in Ciidamo hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya la geeyo Magaalada Dhuusamareeb, taas badalkeeda ay Amniga Magaalada ku sugi doonaan Ciidankii dhawaan la qarameeyay.

 

Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa diiday in Ciidamo laga qaado Muqdisho laga geeyo Magaalada Dhuusmareeb,islamarkaana uu jiro Khilaaf ka dhex taagan Kheyre iyo Madaxda Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment