879 Views

TPLF oo Digniin Adag Udirtay Dowlada Itoobiya

TPLF oo Digniin Adag Udirtay Dowlada Itoobiya
____________________________________________________________________________

Isniin: April 25, 2022\

Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa Dowlada Itoobiya ku eedeeyey iney xanibaad iyo cuno qabateyn ku heyso shacabka gobolka Tigray

Warqad dheer oo uu u diray Golaha amaanka ee QM ayuu ku sheegay in Shacabka Tigray ay maalin walba u dhintaan baahi iyo macluul

Debretsion Gebremichael ayaa xusay in dowlada Itoobiya aysan waxba ka qaban oo ay iska daawaneyso dhibaatooyinka ka jira gobolka Tigraym Wuxuuna tilmaamay in dulqaadkii uu ka dhamaaday.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay talaabo adag qaadi doonaan, aysana iska fadhin doonin shacabkooda oo gaajo u dhamaanaya.

Dowlada Itoobiya ayaa weli go’doon cirka iyo dhulkaba ku heysa gobolka Tigray, marka laga reebo gargaar aan badneyn oo QM ay halkaas geysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post