2298 Views

Wariyayaasha Baydhabo oo loo diiday shirka Amniga Qaranka ee maanta furmay

Wariyayaasha Baydhabo oo loo diiday shirka Amniga Qaranka ee maanta furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 4, 2018 – Wariyayaasha ka howlgalla Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta laga hor-isataagay in ay ka qeyb galaan,isla markaana ay soo tebiyaan Shirka Amniga Qaranka.

Wariyayaasha oo shalay ku dhaqaaqay Shaqa joojin ayaa waxaa jirtay in arrintaasi xal laga gaarey kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan)

Wariyaal ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay Qaranimo Online u sheegeen in Maanta laga hor-istaagay in ay Galaan halka uu ka socdo shirka Amniga Qaranka,isla markaana Ciidamada qaarkood ay ula soo baxeen Bustoolado.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli shirkaas ay goobjoog ka yihiin Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha.Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed oo masuulka ah waxkasta ee ka dhaca Magalada Baydhabo

weriyayaal-Baydhabo-3 weriyayaal-Baydhabo-2 weriyayaal-Baydhabo-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment