699 Views

Senator Cabdiraxmaan faroole oo ka hadlay shirka Muqdisho ka socda

Senator Cabdiraxmaan faroole oo ka hadlay shirka  Muqdisho ka socda
____________________________________________________________________________


Sabti: January 8, 2022

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay is-mariwaaga shirka golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay in wax aad u yar la isku mari la’yahay.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in amni laga doodaayo aan intaan kadib loo sii xayirnaa karin, isagoo yiri, “Qoladii aan ammaankeeda suga karin anaga hanoo yimaadeen, inagaa u sugeynee.”

Faroole oo sii hadlayey ayaa yiri, “Amni wax lagu daaho maahane, qoladiina Xamar ku shireysa naga soo dhameeya howsha, Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha waxaan leeyahay wax aan waxba tareyn umadda yaan loo xayirin.”

Sidoo kale Faroole oo fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa ugu baaqay in aysan isku mashquulin soo saarashada madaxweyne u fariista Villa Somalia.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html “Maamul goboledyada waxaan leeyahay nina yuusan ninka kale ka eexan cidna madaxweyne kama dhigi kartaan, Alle ayaa madaxweyne noo diooraya ee taas xisaabta ku darsada, Ilaahey quluubtiina ha isku soo jeediyo,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post