1083 Views

Kenya oo fasaxday Diyaaridihii tegi jiray & kuwii uga imaan jiray Soomaaliya

Kenya oo fasaxday Diyaaridihii tegi jiray & kuwii uga imaan jiray Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda  Arrimaha dibadda Kenya loona  soo diray Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in la fasaxay diyaaradihii tegi jiray & kuwii uga imaan jiray Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadan ay horseedi doonto soo celintii xriirka labada dal iyo xoojinta iskaashi ee Ganacsiga, isku socodka iyo midka diplumaasiyadeed.

“ Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya sharaf ayey a u leedahay in aan ku wargalino in dowladda Kenya ay qaadatay in dib loo soo celiyay xiriirka labada dowladood, waxayna go’aansatay in dib loo furo hawada Kenya dhammaan duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya iyo kuwa ka imaanaya Kenya ee tagaya Soomaaliya, Tallaabadan niyad wanaaga ah waxaa loo sameeyay danta guud ee labadeena dal ayaa lagu yiri” Qoraalka Kenya.

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay shuruudo ku xeeran in Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya ay tagaan Gudaha dalkaas, waxaana kamid ah.

in Dhamaan rakaabka / shaqaalaha imaanaya Kenya ay haystaan ​​Shahaadada COVID-19 oo baaritaankeeda ay qaadatay 96 saacadood kahor safarka.

In Dhammaan socotada (carruurta) da’doodu ka yar tahay 5 sano laga dhaafi doono Shahaadada COVID-19

Dhammaan socotada waxaa laga rabo inay buuxiyaan foomka xaddiga safarka oo ay soo gudbiyaan kahor safarka

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post