675 Views

UNHCR oo sheegtay in Qaxooti Eritrea-yan ah ay ugga furayaan xero Degaanka Amxaarada

UNHCR  oo sheegtay in Qaxooti  Eritrea-yan ah ay ugga furayaan xero Degaanka Amxaarada
____________________________________________________________________________

Isniin: June 28 2021

Dowladda Itoobiya iyo hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka iyo qaxootiga, ayaa sheegay in qaxooti Eritrea-yan ah ay ugga furayaan gobolka Amxaarada Itoobiya xero qaxooti.

Television-ka dowladda Itoobiya, ayaa sheegay in xeradan qaxootiga laga dhisi doono degmada Dabat ee gobolka Gonder, ee is maamulka Amxaarada, iyadoo uu u badali doono xeryaha Shimelba iyo Hitsats oo ku yaalla gobolka Tigreega.

Madaxa hey’adda qaxootiga Itoobiya Tefahu Gobezay, ayaa ka dalbadey in dadka kudhaqan deegaanka Amxaarada iney ilaaliyaan badqabka qaxootigan Eritrea-yaanka ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in labo xero ee qaxootiga Eritrea-yaanka, kuwaa oo ku yaalla gobolka Tigreega, in la bililiqeystay dabadeedna la gubay, Tani ayaa ka timid maadaama ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ay ka barbar dagaalamayaan kuwo Eritea u dhashey, iyagoo la diriraya si wadajir ah kuwa jabhadda Tigreega.

Qaxootiga Eritrea, ayaa waxaa lasoo darsey cabsi iyo weeraro, iyagoo isaga soo firxadey magaalada Shiraro iyo xeryaha kalaba.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post