2760 Views

SAWIRO:-Ciidamada Puntland oo howlgal qorsheysan fuliyay

SAWIRO:-Ciidamada Puntland oo howlgal qorsheysan fuliyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta Maamulka Puntland ee PMPF iyo kuwa daraawiishta ayaa howlgal waxaa ay ka sameeyeen Buuraha silsilada Golis ee gobolka Bari.

 

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocaydiisa kala duwan ayaa Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay ku baadi goobayaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

 

 

Deegaannada sida gaarka ah howlgallada Ciidamada uga fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Maraje,Togga Naara,Isha bood,Ceel unkud,Kala dhacda illaa iyo Balqooxle,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.

 

Taliyaha ururka 1aad Ciidanka kumaandoosta PMPF Korneyl Ayaanle Faarax Jaamac ayaa sheegay in howlgalkaas uu qaatay muddo Saddex Cisho ah,isla markaana guulo waaweyn ay ka gaareen.

 

Saraakiishu masoo bandhigin waxyaabo ay ku qabteen howlgalkaas,waxaana sawiro laga soo qaaday lagu arkayay Ciidamada oo howlgal ka fulinaya Buuraha silsilada Golis ee gobolka Bari.

 

Buuraleyda Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa la amisan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kooxda Daacish,kuwaas oo mararka qaar weeraro & dilal ka fuliya deegaano ka tirsan Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment