708 Views

Hogaamiye C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in la soo weeraray Hogya uu ka dagan yahay Muqdisho.

Hogaamiye C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in la soo weeraray Hogya uu ka dagan yahay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Waxaa goor dhawayd Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal Hogaamiye C/raxmaan C/shakuur warsame oo sheegay in la soo weeraray Hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho.

Siyaasiga ayaa sheegay in ay iska caabiyeen waxa soo weeraray oo uu ku sheegay maleeshiyaad.

Qoraalka uu soo qoray sidaan ayuu u qornaa

Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaal culus, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post