1023 Views

Puntland oo ka shirtay amniga degaannadeeda Go’aana soo saartay

Puntland oo ka shirtay amniga degaannadeeda Go’aana soo saartay
____________________________________________________________________________

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland, kaas oo ka qabsoomay magaalada garoowe.
Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Maamul Wanaaga, Xaalada Degmooyinka iyo Dhismaha goleyaasha deegaanka ee Puntland iyo qodobo kale.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Warbixino ka dhageystay golaha Wasiirada, taas oo la xiriirta Shaqooyinkooda.
Ugu dambeyn Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ugu baaqay Golaha wasiirada inay dardar geliyaan Shaqooyinkooda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post