1212 Views

Militariga Burkina Faso oo toogtay 14 qof

Militariga Burkina Faso oo toogtay 14 qof
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Militariga dalka Burkina Faso waxay sheegeen inay dileen tiro kamid ah maleeshiyaadka ka dagaallama dalkaasi.

Ciidamada waxay sheegeen in weerarka ay uga falcelinayeen weerar dhawaan ay maleeshiyaadka ka gaysteen waqoooyiga dalkaasi oo ay ku dhinteen 14 qof oo rayid ah.

Militariga waxay sheegeen in dableyda ay habeenkii Axadda aheyd ay weerar ku qaadeen tuulada Kain ee ku taalla gobolka Yatenga.

Sida laga soo xigtay militariga, waxay sheegeen in duulaankii ugu weynaa ay ka fuliyeen saddex gobol oo dhaca waqooyiga dalka Burkina Faso.

Bayaanka kasoo baxay ciidamada ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dileen 146 kamid ah dagaalyahanada ka howlgala dalkaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment