912 Views

Hay’adda socdaalka oo dib u shaqo bilaabeysa soona soo saartay habraac ku socda muwaadiniinta Soomaaliyeed

Hay’adda socdaalka oo dib u shaqo bilaabeysa soona soo saartay habraac ku socda muwaadiniinta Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 11  2020–Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo bilaabi doono bixinta baasaboorka Soomaaliga maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020.

Bilihii lasoo dhaafay guud ahaan waxaa hakaday Shaqadda Hay’adda Sababo la xariira Cudurka Corona virus.

Waxaa sidoo kale Hay’adda socdaalka ay soo saartay Habraac looga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:

-Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)

-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post