522 Views

Weerar lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka dhacay Koonfur Afrika

Weerar lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka dhacay Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah dalkaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo wax ka yar laba Bilood joogay dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Baasheey ayaa xilliga la dilayay uu xirayay Dukaan uu ka Shaqeeynayay oo kuyaalla Tuulada Khayelitsha gaar ahaan laanta Town 2 ee Magaalada Cape Town.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Kooxaha burcadda ah aysan wax dhac ah u geysan dukaanka balae kaliya ay dileen Muwaadinka Soomaaliyeed, iyada oo sidoo kale ay jireen dhalinyaro la socotay muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay, kuwaas oo weerarka ka badbaaday.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen Kooxdii ka dambeeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanad kasta waxaa lagu dhibaateeyaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Shaqooyinka u doonta, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid wax ka qabatay dilalkaas ha ahaato dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post