1173 Views

Xildhibaan sheegay in lagu soo duulay Soomaaliya

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, -2019 —Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si kulul waxaa uu uga  hadlay safarkii ay Magalada Kismaayo u tageen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed.

 

Waxaa uu sheegay in Magalada Kismaayo ay si sharci-darro ah ku tagtay diyaarada iyo wafdga saarnaa,isla markaana shirkadda lahe diyaaradaas ay jebisay Sharciga u yaalla dalka Soomaaliya.

 

 

 

Xildhibaanka oo Wariyeyaasha Muqdisho kula hadlaayay ayaa waxaa uu intaasi kudaray hadalkiisa in diyaaradaas ay aheyd mid Qatar gelin kartay amniga dalka,isla markaana aysan ka warheyn Maamulka hawada Soomaaliya.

 

Baarlamaanka Soomaaliya kulamadii markii ay furmaan ayuu sheegay inay dacwada diyaaradaas iyo dalka laga lahaa geyn doonaan,waxaana dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday inay jawaab baarlamaanka ka siiso Diyaaradaas.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland lagu haayo dhibaatooyin kala duwan,hayeeshee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ay badbaadin doonaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment