951 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan Bakool

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan Bakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah uu markii ugu horeysay uu tago degmada Waajid ee Gobolka Bakool tan iyo markii la doortay,isaga oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

 

Shalay degmada waajid waxaa tegay wafdi Wasiiro iyo Xildhibanao ah oo horudhac u ah safarkiisa, iyada oo qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne laftagareen laga dareemayaa degmada Waajid.

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Waajid u tegi doono sidi uu ugu kuurgeli lahaa xaalada dadka ku nool degmadaas iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan maadaama degmadaasi mudo dhowr sano ah ay u god’oonsan tahay Al-Shabaab.

 

Qaar kamid ah Bulshada degmada Waajid oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad u soo dhaweynayaan wafdiga Madaxweynaha,isla markaana ay in mudo ah sugayeen in uu booqasho ku yimaado degmadooda.

 

Ammaanka degmada Waajid ayaa aad loo adkeeyey,waxana lagu arkayaa Ciidamada Booliska koonfur Galbeed oo siweyn amniga u xaqiijinaya,isla markaana ay u diyaar garoobeen imaanshaha Madaxweyne laftagareen,.

 

Degmada Waajid ee Gobolka Bakjool waxaa ay kamid tahay degmooyinka mudada dhowrk sano ah u god’oonsan Ururka Al-Shabaab,waxaana dhowr mar uu horay u sheegay inay go’doonka ka qaadi doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment