435 Views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Rooble oo shaaciyey in dalku galay xaalad adag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Rooble oo shaaciyey in dalku galay xaalad adag
____________________________________________________________________________

 
isniin: February 7, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladuba isu kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dalal iyo hay’ado kala duwan oo caalamka ah, isagoo kala hadlay sidii ay gurmad degdeg loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu faraha ba’an ku hayso.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html “Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dadkeenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim noogu tahay in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah, si dadka ay abaaruhu saameeyeen loo badbaadiyo.

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post