2478 Views

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya Oo Lagu Dilay Bartamaha Caasimada Dalkaasi

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya Oo Lagu Dilay Bartamaha Caasimada Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —Labo ka mid ah Saraakiishs Booliska Dalka Kenya ayaa lagu dilay magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya iyada oo ay baxsadeen kooxda dilka geysatay.

Dilkanw axaa uu ka dhacay saaka Xaafadda Kayole ee Magaalada Nairobi,halkaas oo uu ku yaallo saldhigga ay ka tirsanyihiin labada sarkaal.

Saraakiishan ayaa ku baxay rasaas ay ka maqleen degaanka Matopeni ee isla Nairobi,waxaana markii ay tageen la kulmeen Rasaas iyada oo goobta lagu weeraray ku nafwaayay.

Ciidamo kaleoo Boolis ah ayaa tagay goobta kana qaaday meydadka Labada sarkaal,kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ku yaalla.

Labada Sarkaal ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Linus Inima iyo James Gitahi,Booliska goobta tagay ayaa sheegay in Ragga dilka geystay ay qaateen 2dii Baskoolad ee ay wateen saraakiishan dilkana u adeegsadeen Qori loo maleynayo AK47.

Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan kiiskan in uu la xiriiro qalalaasaha doorashada iyo in uu yahay mid argagixiso,iyaga oo xusay in degaankaas uu ka mid yahay meelaha ay ka jiraan rabshadaha la xiriira doorashada ku celiska ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment