1347 Views

Rooble oo faray Guddoomiyaha Aqalka Sare & Mahdi Guuleed inay khilaafka xaliyaan

Rooble oo faray Guddoomiyaha Aqalka Sare & Mahdi Guuleed inay khilaafka xaliyaan
____________________________________________________________________________

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi  iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Kulanka ayaa War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu sheegay in uu ahyaa Wadatashi iyo gorfeyn, isla markaana  la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare  ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa taagnaa khilaaf dhanka doorashooyinka ah oo u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan  faray Guddoomiyaha Aqalka Sare & Mahdi Guuleed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post