729 Views

Gaari jiiray Gabdho aroos u socday oo gaystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh

Gaari jiiray Gabdho aroos u socday oo gaystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh
____________________________________________________________________________


Sabti: June 4, 2022

Shil khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geestay ayaa ka  dhacay laamiga Dayniile gaar ahaan halka loo yaqaan Sii Sii, shilkaan ayaana waxaa geestay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidamo katirsan dowladda.

Sida aan wararka ku helnay gaarigan Cabdibilaha oo ka yimid dhinaca xarunta degmada Dayniile uu ka howlgalo ayaa halka loo yaqaan Sii Sii ku jiiray mooto bajaaj ay la socdeen labo gabdhood iyo wadaha mootada.

Inta la xaqiijiyay shilkan waxaa ku geeriyootay gabar lagu magacaabayay Hani Cabdirisaaq Yuusuf waxaa sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray gabar kale oo mootada saarneed iyo wadihii mootada.

Gabdhaha dhimashada iyo dhaawaca uu kasoo gaaray shilkan oo saaxiibo iyo ehel ahaa ayaa la sheegay in ay u socdeen aroos, waxaana si lama filaan ah mootadii ay saarnaayeen u jiiray gaari dagaal oo si xowli ah u socday.

Ehelada gabadha geeriyootay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mootada gabadhooda saarneed uu jiiray uuna dilay gaariga Cabdibilaha, waxa ayna codsadeen in lasoo qabto dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Meydka gabadha geeriyootay ayaa loo qaaday xarunta CID-da halkaas oo baaritaano lagu marsiiyay, waxaana labada qof kale ee shilka ku dhaawacmay la dhigay xarumo caafimaad oo xaaladooda lagula tacaalayo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post