858 Views

Wararkii ugu dambeeyay duqeymo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe

Wararkii ugu dambeeyay duqeymo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 11 2021Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay ay ka dhaceen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsaday saldhigyo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka ku nool meelaha ay duqeymaha ka dhaceen ayaa sheegay inay maqlayeen jugta duqeymaha, isla markaana dhankooda ay soo wajahday cabsi ku aadan inay waxyeelo kasoo gaarto.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Afar duqeyn ay ka dhaceen degmada Saakow & degaanka Salagle oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana duqeymahaas lagu dilay Xubn o ka tirsan Al-Sabaab.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymahaas lagu burburiyay Goobo ay Al-Shabaab qaraxyada ku diyarinayeen sidoo kalena la dilay Xubno ku sugnaa goobtaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa kumaansdooska Soomaaliya ee DANAB iyo Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalla Soomaaliya ee loo yaqaano ( Africom) ayaa waxa la sheegay inay duqeymahaasi iska kaashadeen.

Dowladda Soomaaliya & Mareykanka ayaa weli ka hadlin duqeymahaas, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan aasaaraha ka dhashay duqeymaha.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post