819 Views

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Midowga Musharraxiinta ka aqbalay in uu Saxiixo Heshiiska

Guddoomiye  Cabdi Xaashi oo  Midowga Musharraxiinta ka aqbalay in uu Saxiixo Heshiiska
____________________________________________________________________________

.

May 27 2021

 Waxaa goor dhawayd soo idlaaday kulan u socday guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo maanta ka qabsoomay gudaha magaalada Mqudisho.

Wararka ayaa sheegaya in  Cabdi Xaashi uu ka aqbalay Xubnahaas sidii uu uga  qeyb-geli lahaa xirtaanka shirka wada-tashiga ee maalmihii lasoo dhaafay ka socda Teendhada Afisyooni oo lagu wado in goor dhaw la soo gaba gabeeyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Midowga Musharraxiinta oo ay horkacayeen madaxweynayaashii hore ee dalka ay ugu dambeyn ku qanciyeen guddoomiyaha Aqalka Sare inuu qeyb ka noqdo munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka 2021.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in tabashada gaarka ah ee uu qabo Cabdi Xaashi la tix-gelin doono, isla-markaana si guud loo xalinayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post