1788 Views

Sawirro:-Shabaab Oo Soo Bandhigay Ciidamo Ay Sheegeen Inay Ka Goosteen Dowladda Somaaliya

Sawirro:-Shabaab Oo Soo Bandhigay Ciidamo Ay Sheegeen Inay Ka Goosteen Dowladda Somaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 12, 2019 –Al-Shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxa ay ku soo bandhigeen Ciidamo iyo hubkooda,kuwaas oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaan ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa gaaraya ilaa 5 askari,kuwaas oo wata 5 Qori oo  AK47 ah,waxaana Shabaab ay sheegeen inay ka howlgeli jireen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Sida lagu daabacay Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa waxaa Goobta lagu soo bandhigaya askartaas la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sugnaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Shabaab ma sheegin Magacyada askarta ay sheegeen inay ka goosteen dowladda,isla markaana isku dhiibay,waxaana sidoo kale weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment