831 Views

Somaliland oo ka hadashay isbedel ku yimid xiriirka ay la leedahay dalalka Caalamka

Somaliland oo ka hadashay isbedel ku yimid xiriirka ay la leedahay dalalka Caalamka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-09-2020-Soomaaliland ayaa soo bandhigtay aragtideeda ku aadan dood la sheegay iany todobaadkaan Golaha Wasiirada Kenya ka yeelanayaan Aqoonsiga Soomaaliland iyo isbedelka ku yimid xiriirka ay la leeyihiin Beesha Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ee kasoo baxa Magaalada ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan doodaas,isla markaana kenya ay tahay dal ay deris yihiin xiriir badana uu ka dhaxeeyo.

“Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xiriir dhinacyo badan leh leenahay, wefdiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si la eg wefdiyo ayeynu u dirnay, marka iskaashiga aynu la leenahay weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya ayuu yiri” Wasiir Faratoon”

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa isaga oo ka hadlayay isbedelka ku yimid xiriirka ay la leeyihiin Beesha Caalamka waxaa uu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dalalka Caalamka ayna diyaar u yihiin inay sii xoojiyaan maadaama ay halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen Aqoonsi.

Soomaaliland ayaa weli waxaa ay aaminsan tahay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale,iyada oo aan weli helin aqoonsi Caalami ah ah,hayeeshee ay yihiin Maamul si gooni ah isku maamula,isla markaana an hoostegin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post