1254 Views

Farmaajo oo ku wajahan Uganda & ujeedka…

Farmaajo oo ku wajahan Uganda & ujeedka…
____________________________________________________________________________

Dowladda Uganda waxay bilowday inay xaqiijiso Madaxda ka qeyb geli doonta Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha dalkaas oo 12-ka bishan ka dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la hadashay Warbaahinta chimpreports.com ayaa sheegtay in Madaxda Dowladaha iyo Ergooyinka ku soo fool leh Kampala maalinta Talaadada (May 13th ) ka mid yihiin Madaxweynayaasha Somalia, Gini iyo Ra’isul-wasaaraha ka ah dalka Gabon.

Lindah Nabsayi waxay kaloo tilmaamtay inay Madaxweynayaasha dalalka Mosombique, Burundi, Gabon, South Sudan xaqiijiyeen Ka-qeybgalkooda Munaasbadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda.

Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyada ee dalka Uganda,Esther Mbayo waxay sheegtay in 21 Madax Dowladeed oo ka kala socda dalalka Afrika iyo qeybaha kale ee Caalamka ay xaqiijiyeen inay ka qeyb geli doonaan Munaasabadda caleema-saarka ee Madaxweyne Museveni

Hadal-qoraal oo ay soo saartay ayey ku sheegtay ijuu Madaxweyne Museveni casuumaadda u kala diray 42 Madaxweyne, Ra’isul-wasaarayaal iyo Madax Urur-gobaleedyo si ay goobjoog uga noqdan Caleema-saarkiisa oo la qaban doono maalinta Khamiista ee soo socota.

Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.

Murashaxa Robert Kyagulanyi oo loo garan og yahay Bob Wine ayaa kaalinta labaad galay, isagoo helay 34.83% .

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post