1236 Views

Guddoomiye Isxal oo ka digay in la siyaasadeeyo Ciidamada gadooday

Guddoomiye Isxal oo ka digay in la siyaasadeeyo Ciidamada gadooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 10, 2021=Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug C/raxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa sheegey in la siyaasadeeyay Gadood ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo muddo saddex bari ah shaqo joojin ku sameeyey Kastamyada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha oo Gaalkacyo Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in  cabashada ay soo jeediyeen Ciidamada gadoodsan ay gaarsiiyren Madaxda ka sarreeysa, isla markaana  uu rajeeynayo in 48 saacadood gudahood la xalin doono.

Waxaa uu ugu baaqay Ciidamada inay      baneeyaan koontoroolka kastamka Canshuuraha ee magaalada Gaallacyo si ay Shaqada u socoto, wuxuuna sidoo kale uu ku baaaay in la siyaasadeeyo Ciidamada koontoroolka Magaalada Gaallacyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug C/raxmaan Cali Diiriye ayaa sheegay in marnaba aqbaleyn in cid si gooni ah meel wax u dhigata, waxaana uu ka dalbaday Shacabka iyo Ciidamada inay la Shaqeeyaan dowladda.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post