783 Views

Khilaafka ka dhex taagan Qoyska reer boqor ee Sacuudiga iyo Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday

Khilaafka ka dhex taagan Qoyska reer boqor ee Sacuudiga iyo Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 1, 2020—Ka dib Khilaaf ka dhex taagnaa xubnaha qoyska reer Boqor ee tallada dalkaasi haaya ayaa ugu dambeyntii waxaa xilka laga qaaday Saraakiil ka tirsan dowladda Sucuudiga.

Maxamed Salmaan dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa shaqadda ka eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka barasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf.

Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen.

Shaqadda ka ceyrinta wiilka iyo aabihiisa ayaa sii xoojisay Khilaafka ka dhex taagan qoyska reer boqor ee tallada Sacuudiga haya.

Waxay saraakiishan wajahayaan baaritaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post