846 Views

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku dhigay Xaruntii kaydkii Qaraxyada Al-shabaab

Ciidamada  Puntland oo  Gacanta ku dhigay  Xaruntii kaydkii Qaraxyada Al-shabaab
____________________________________________________________________________

April 26-2021

 Ciidamada Daraawiishta Puntland, gaar ahaanna Birmadka madaxtooyada, oo saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka magaalada Boosaaso, ayaa gacanta ku dhigay kaydkii Qaraxyada Al-shabaab.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen god Al-shabaab ku kaydsatay Qaraxyo, islamarkaana qarxiyeen miinooyin ku jiray godka, oo kayd qarsoon u ahaa kooxda.

Sidoo kale saraakiisha ayaa ilmaamay in Ciidanku ay godkaas ka soo saareen tiro bambooyinka gacanta laga tuuro iyo agab kale, oo qaraxyada laga sameeyo, kuwaas oo Al-shabaab ku aastay godkaaas.

Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa todobaadyadii u dambeeyay hawlgalo ka waday magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda ku dhow halkaas oo ay ku dhuuntaan Al-shabaab iyo Daacish.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post