1005 Views

Akhriso:-Mas’uuliyiin soo dhaweeyay doorashada ka dhacday Kismaayo

Akhriso:-Mas’uuliyiin soo dhaweeyay doorashada ka dhacday Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 22, 2019 —Iyada oo Maanta Magalada Kismaayo ay ka dahcday doorashada Madaxweynaah Jubbaland oo markale loo doortay Axmed Maxamed Islaam( Madoobe) ayaa waxaa doorashadaas soo dhaweeyay, Mas’uuliyiin Siyaasiyiin iyo ka mid ah Maamulada dalka.

 

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka soo dhaweeyay doorashadaas, isaga oo u hambalyeeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam,waxaana uu sheegay in Shacabka Jubbaland uu u horseedi doono Nabad iyo Horumar waara.

 

 

 

“Waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa Mudane Ahmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Waxaan ku rajeynayaa in Eebe kugu asturo masuuliyadda culus ee laguu igmaday, shacab weynaha Jubulandna aad u horseedo Nabad iyo Horumar waara”

 

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka goobjoogna ka ahaa dooprashadii ka dhacday Kismaayo ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe,isaga oo sheegay in ay doorashadaas tahay go’aan adag oo ay gaareen dadka reer Jubbaland.

 

“Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee DG Jubaland Md. Axmed MAXAMED Islaam oo markii labaad loo doortay xilkaas,Waa go’aanka wakiilada dadka Jubaland ay u gaareen deegaanadooda iyo dawlad goboleedkooda, mana jirto cid ka taqaan ayaga hogaamiyaha u haboon Jubaland ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi”.

 

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inaysan aqoonsan doonin waxyaabaha kazoo baxa doorashooyinka Jubbaland,waxana sidoo kale shaki geliyay inay aqoonsan doonaan Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment