651 Views

Saadaq Cumar Xasan (John) oo goor dhaweyd loo doortay inuu ka mid noqdo Golaha Shacabka ee BFS

Saadaq Cumar Xasan (John) oo  goor dhaweyd loo doortay inuu ka mid noqdo Golaha Shacabka ee BFS
____________________________________________________________________________


khamiis: January 27, 2022

Saadaq Cumar Xasan (John) ayaa goor dhaweyd loo doortay inuu ka mid noqdo Golaha Shacabka ee BFS, kaddib markii doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb uu helay 81 cod, waxaana kursigan shantii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari.

Cabdullaahi Xirsi Diirshe oo Saadaq John kursigan kula tartamay ayaa helay 17 cod, waxaana xumaaday laba cod, sida uu shaaciyay guddiga hirgalinta doorashada heer Galmudug.

Saadaq John oo ahaa taliyihii ciidamada booliska Gobolka Benaadir, ayaa xilka iyo derajada Sarrreeye Guuto laga qaaday bishii April ee sanadkii hore, kadib markii uu sheegay inuu hor istaagay fadhi uu lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu ku eedeeyay inay doonayeen muddo kororsi uu ku tilmaamay inuu ahaa sharci darro.

Galmudug ayaa maanta dib u biloowday doorashada kuraastaa golaha shacabka, waxaana Dhuusamareeb lagu dooran doonaa ilaa afar kursi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post