330 Views

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka oo la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadka soo socda

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka oo  la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadka soo socda
____________________________________________________________________________

Talaado: DECEMBER 20, 2022

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadkan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabadhihii ugu horreysay ee Muslim ah iyo Soomaali ee loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa inay Khamiista tagto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Sida ay wararku sheegayaan, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland ayaa soo dhoweyn doona Ilhaan.

Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland.

Ilhaan Cumar Waxay toddobaadkii tegay ka qeyb-gashay soo dhoweyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loogu sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto.

Sidool kale Ilhaan Cumar ayaa  Khudbad ay halkaas ka jeedisay oo ay si weyn ugu ammaantay madaxweynaha Somaliya Xasan shekh  oo ay ugu yeertay “adeer” ayaa qabsatay baraha bulshada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post