1086 Views

Sacad Al-Jabri: “Maxamed Bin Salmaan wuxuu kireystay calooshood u shaqeystayaal i dili”

Sacad Al-Jabri: “Maxamed Bin Salmaan wuxuu kireystay calooshood u shaqeystayaal i dili”
____________________________________________________________________________

Talaado: October 26, 2021

Sacad Al-Jabri oo horay u ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ayaa ku eedeeyay dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, inuu qorsheeynayo dilkiisa.

Al-Jabri wuxuu horey ugu tirsanaa saraakiisha sare ee laanta sirdoonka Sacuudiga.

Sacad Al-Jabri waxay aad isugu dhowaayeen dhaxal sugahii hore, Maxammed bin Nayef, wuxuuna masaafuris ahaan uu ku joogaa dalka dibadiisa, in ka badan seddax sano, si wayn ayaana loo ilaaliyaa amnigiisa. Wuxuu ku nool yahay Canada.

Sarkaalkan horey uga tirsanaa sirdoonka Sacuudiga ayaa sheegay in dhaxal-sugaha uu kireystay koox calooshood u shaqeystayaal ah si ay isaga u dilaan.

Jabri ayaa mar uu wareysi siinayey barnaamijka ’60 Minutes’ ee telefishinka CBS News, wuxuu sheegay in qorshaha ah in la dilo uu bilowday markii uu dalka cararay, ka dib markii xilka dhaxal-sugaha uu la wareegay Maxamed Binu Salmaan, sannadkii 2017.

Wuxuu intaa ku daray in mid ka mid ah saaxiibbadiis uu uga digay in uu wajihi doono mid la mid ciqaabtii uu maray wariyihii ka soo horjeeday boqortooyada, Jamal Khashoggi,.

Khashoggi waxaa lagu dhex dilay qunsuliyadda uu sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbuul, sida baaritaanno hore lagu ogaaday.

Markii la baahiyay hordhaca wareysiga inta uusan telefishinka ka bixin, waxay safaaradda Sacuudiga ee Washington bayaan ay soo saartay ku tilmaantay in Sacad Al-Jabri uu ahaa sarkaal hore oo dowladda ka tirsanaa “loona haysto dambiyo la xiriira dhaqaalaha”.

Al-Jabri ayaa barnaamijka u sheegay: “Digniinta aan helay waxay ahayd in aanan u dhowaanin hawlgal kasta oo Sacuudigu ka fuliyo Canada. In aanad tagin qunsuliyadda, in aanan aadin safaaradda … Waxaad ku jirtaa liiska ugu sarreeya.”

Wuxuu xusay in xubno ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ay yimaadeen Canada bishii Oktoobar 2018. Mas’uuliyiinta Canada-na ay u diideen in ay dalka soo galaan markii ay ka been sheegeen hadafkooda, lagana helay waxyaabo laga shakiyay.

Ma jiro jawaab rasmi ah oo ilaa iyo imika ka soo baxday xukuumadda boqortooyada Sacuudiga.

Balse saraakiisha Canada ayaa barnaamijka ’60 Minutes’ u sheegay inay “ka warhayaan dhacdooyin ay dhinacyo ajnabi ah isku dayeen in ay u hanjabaan dad ku nool Canada,” islamarkana hanjabaadahaas ay yihiin kuwo gebi ahaanba aan la aqbali karin.

Al-Jabri wuxuu sheegay in kooxdan ay ka kooban yihiin urur loogu magac daray “Kooxda Shabeelka” islamarkana ay yihiin kuwo uu Maxamed Bin Salmaan, u soo kareysto “dilalka aan sharciga waafaqsanayn, kufsiga iyo jirdilka”.

Ninkan sirdoonka ahaan jiray ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xireen laba ka mid ah 8 wiil oo uu dhalay, taas oo uu ku tilmaamay ‘aargoosi’ ​​ka dib markii uu ka cararay boqortooyada.

“Halkan waxaan ka dirayaa qaylo-dhaan ku saabsan, gacan ku dhiiglaha Bariga Dhexe, kaas oo haysta kheyraad badan, waxaa uuna qatar ku yahay dadkiisa, Mareykanka iyo guud ahaan caalamka,” ayuu yiri Al-Jabri.

Waa kumaa Al-Jabri

Al-Jabri wuxuu sannado badan ahaa gacanta midig ee Amiir Muxammad bin Nayef, dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada sacuudiga.

Sacad Al-Jabri reer Galbeedka aad ayay u qaddarin jireen, ka dib kaalintii uu ka qaatay xakamaynta al-Qaacida ee boqortooyada, gaar ahaan 10-kii sano ee ugu dambeysay qarnigii tagay.

Wuxuu ahaa tiirka u dhaxeeya sirdoonka Sacuudiga iyo sirdoonnada Mareykanka, Britain, Canada, Australia iyo New Zealand.

Al-Jabri waa nin aad u deggan oo aamusnaan badan, waxaa uuna haystaa shahaadada PhD, wuxuuna ka qallinjabiyay jaamacadda Edinburgh.

Wuxuu xilal badan ka soo qabtay dowladda Sacuudiga, ilaa uu ka gaaray xubin ka mid ah Golaha Wasiirrada, wuxuuna dhanka ciidamada ka gaaray darajada Janaraal.

Laakiin sannadkii 2015-kii ayay wax walba is badaleen ka dib geeridii boqor Cabdalla, oo ay walaalo ahaayeen boqor Salmaan, oo kursiga la wareegay ka dibna wiilkiisii ​​Muxammad na ku riixay jagada wasiirka gaashaandhigga.

Labo sano ka dib waxaa Maxamed Binu salmaan loo magacaabay dhaxal-sugaha Sacuudiga, waxaana meesha ka baxay Amiirkii Dhaxalka lahaa Maxamed bin Nayef.

Bin Nayef ayaa ilaa iyo hadda ku jira xabsiga waxaana lagala wareegay hantidiisii. Waxaa sidoo kale xilalka laga qaaday saraakiishii la soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Markii uu xaalka halkaasi marayay ayuu Sacad Al-Jabri u baxsaday dalka Canada.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post