1164 Views

Heshiis ku saabsan Wax Soo saarka khayraadka dalkeena oo si Wadajir ah Loo Ansixiyay

Heshiis ku saabsan Wax Soo saarka khayraadka dalkeena oo si Wadajir ah Loo Ansixiyay
____________________________________________________________________________


Axad: November 7, 2021

Guddiga wasaaraddaha ee u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka.
Wasiirka Badtoolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Heshiiskaan ayaa loo qaatay inuu muhiimad weyn u leeyahay sidii ay dowladda Soomaaliya uga faa’idaysan lahayd kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulkeeda, kaasoo marka hore u baahan in loo sameeyo xeerar.

“Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii  kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay hadda isu diyaarinayso in ay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna Dowladda Federaalka ku howlan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post